Qarax is-miidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha dhimasho iyo midka dhaawac ee ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo lagu weeraray meel u dhow xarunta wasaaradda gaashaandhigga Soomaaliya, kaas oo inta badan jugtiisa laga maqlay qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Qof isku soo xiray waxyaabaha qarxa ayaa la sheegay inuu beegsaday maqaayad aan ka fogeyn wasaradda gaashaandhigga, taas oo ku taalla xero loo garan ogyahay xero saraakiil oo ku taala waddada warshadaha ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay Cabdikariin Macalin Axmed (Afarsheegle) oo ahaa guddoomiye ku xigeenkii maamulka iyo maaliyadda ee maamulka degmada Marka.

Ninka is-miidaamiyey iyo Cabdikariin oo kaliya ayaa la sheegay inay qaraxaas ku dhinteen, waxaana ma’suulka la beegsaday uu ka soo jeedaaa magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale waxaa ku dhaawacmay shan qof oo kale oo goobta ku sugnaa, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here