Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax ismiidaamin ah oo gaari loo adeegsaday, isla markaana ka dhacay degmada Garasbaaley ee duleedka magaalada Muqdisho.

 

Qaraxa ayaa si gaar ah uga dhacay barkoontarool oo ciidamada NISA ay ku leeyihiin halkaasi, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxa uu gaystay khasaare isug jiro dhimasho iyo dhaawac, balse lama shaacin inta uu gaarsiisan yahay.

Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkan, waxayna sheegtay inay khasaare ku gaarsiisay ciidamadii ku sugnaa goobta.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta uu qaraxu ka dhacay gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo baaritaano ka wada halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here