BELEDWEYNE, Soomaaliya [SMN] – Waxaa saakay qarax lagu weeraray Guri ay mas’uuliyiin ku shirayeen oo ku yaalla magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegeen goobjoogiyaal, gaari qarax saaran ayaa lagu dhuftay albaabka Guriga, ku yaalla xaafadda Howlwadaag, waxaana xigay weerar toos ah oo dagaalyahano gudaha ku galeen.
Ciidamada dowladda ayaa goobta kula dagaalamaya dagaalyahanada, oo markii gudaha dhismaha galeen billaabey inay dilaan dadka ku jiray guriga oo odayaal iyo Saraakiil Ciidan ay u badan yihiin.
Guriga la weeraray waxaa ka socda shir looga hadlayay dagaalka Al-Shabaab ee gobolka Hiiraan, kaasoo Macwiisleyda iyo Ciidanka dowladda Soomaaliya hadda dib u billaabeen, kadib dhowr bilood oo hakad ku jiray.
Wixii kusoo kordha kala soco wararkeena dambe.