Qarax khasaare gaystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay deegaanka Wamooley oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

 

Deegaanka uu qaraxu ka dhacay ayaa u dhexeeya deegaanada Ceelgaras iyo Ceel-lahelay oo ay shalay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhex dhacay guri ku yaalla deegaankaasi, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac.

Xoghayaha maamulka deegaanka Ceelgaras, Cabdifitaax Cali Xalane oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in qaraxaasi ay ka dambeeyeen Al-Shabaab, waxaana uu tilmaamah in ay ku dhimatay hooyo kamid aheyd dadka deegaanka, sidoo kalena ay ku dhaawacmeen 2 carruur ah oo ay dhashay.

Galgaduud ayaa kamid gobollada ay ka socdaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay deegaano badan ku qabsadeen ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here