Qarax khasaare geystay oo ka dhacay duleedka degmada Galcad

0

GALCAD (SMN) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta qarax khasaare geystay uu ka dhacay duleedka degmada Galcad ee gobolkaasi.

 

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warrmayaa inuu si gaar ah uga dhacay deegaanka Cali Heelle oo hoostaga magaaladaas oo dhawaan laga saaray Al-Shabaab.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in qaraxa uu haleelay mooto Fekon ah oo ay saarnaayeen illaa saddex qof oo dhalinyaro ahaa, kuwaas oo goobta ku dhintay.

Magacyada saddex qof  ee geeriyootay ayaa waxaa lagu kala sheegay Yaasiin Xasan Shirwac, Maxamed Shariif Cumar iyo Geedi Maxamed Afrax.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka oo baaritaano kooban ka sameeyay halkaasi,

Muddooyinkii u dambeeyay ayaa waxaa deegaanada hoos yimaada Galcad ka dhacayay weeraro u badan qaraxyo, kuwaas oo uu khasaare kasoo gaaro ciidamada iyo rayidka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here