MUQDISHO (SMN) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qarax miino oo xalay ka dhacay guri ku yaallo degmada Dayniile ee gobolka Banaadir.
Guri uu daganaa guddoomiye waaxeed ka tirsan maamulka degmada Dayniile ayaa lagu soo warramayaa in lagu dhajiyay miinada, kadibna la qarxiyay.
Qof kamid ah dadka deegaanka ayaa Shabelle u sheegay in xilliga uu qaraxaasi dhacayay uu goobta joogay guddoomiyaha iyo dhowr qof oo kale.
Marka laga yimaado burbur soo gaaray qayb kamid ah dhismaha guriga ma jiro waxyeelo kale oo ka dhashay qaraxaas, sida ay xoguhu mujinayaan.
Qaraxaan ayaa qayb ka noqonaya falalka ammaan darri ee haatan ka dhacay gudaha caasimada, waxaana badaa sheegata Al-Shabaab oo dagaal kula jirta dowladda.