Qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay magaalada Muqdisho + Khasaaraha

0

MUQDISHO (SMN) – Dad badan ayaa ku dhintay labo qarax oo nooca miinada dhulka la geliyo ah oo wax yar ka hor ka dhacay degmada Kaxda ee magaalada Muqdisho.

 

Qaraxyadaan ayaa ka dhacay wado dalcad ah oo dhalinyaradu ay isku sawiraan xiliyada galabtii ah.

Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaya meydad laamiga daadsan iyo dhaawacyo lagu qaadayo gaadiid.

Inta la xaqiijiyay waxaa goobta ku dhintay 5 wiil oo dhalinyaro ahaa, halka ay ku dhaawacmeen 8 kale oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa goobta la qarxiyay.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana goobta tegay oo baaritaano kooban ka sameeyay ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here