Qatar: Wasiirka Arrimaha Dibadda oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland

0

Doha – Juun 30, 2025 – Ra’iisul Wasaaraha Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda, Sheekh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, ayaa maanta si rasmi ah u qaabilay Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Qatar.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ugu dambeeyay ee ka taagan Soomaaliya, muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu gaari karo nabadgelyo iyo xasillooni, iyo xoojinta xiriirka iyo is-fahamka dhex mara dhinacyada kala duwan ee Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa intii uu kulanku socday carabka ku adkeeyay in Dowladda Qatar ay aaminsan tahay in mustaqbalka Soomaaliya lagu dhisi karo wada-hadal furan iyo is-dhexgal wax dhisaya, iyada oo la dhowrayo madax-bannaanida iyo midnimada qaranka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada ay Qatar ugu jirto xal waara iyo dib u heshiisiin dhab ah oo ka hirgasha Geeska Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here