QM oo cambaareysay weerarkii Al-Shabaab ee magaalada Buulo-Mareer

0

NEW YORK (SMN) – Guddoomiyaha golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay, Saba korosi ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ay shalay Al-Shabaab ku qaaday saldhigga ciidamada ATMIS ee ku yaalla magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.

 

Saba korosi ayaa sheegay inay QM ay cambaaraneyso weerarkaas oo askar badan looga dilay dowladda Uganda oo qayb ka ah howlgalka ATMIS ee Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu tacsi u diray dowladda Uganda iyo ehellada askarta ku dhimatay weerarkaas oo noqday mid kamid ah weeraradii ugu khasaaraha badnaa ee ATMIS.

“Argagixisadu nooc kasta oo ay tahay iyo muuqaalkeeda waxay ka dhigan tahay khatar weyn oo ku wajahan nabadda iyo ammaanka caalamiga ah.” ayuu yiri Csaba Kőrös.

Ugu dambey wuxuu tilmaamay in loo baahan yahay in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay weeraradaasi, si markaasi tallaabo looga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here