QM oo Digniin Cusub Kasoo Saartay Yaraynta Gargaarka Soomaaliya

0

MUQDISHO – Qaramada Midoobay ayaa si weyn uga digtay hoos u dhac ku yimid maalgelinta gargaarka bani’aadantinimo ee Soomaaliya, iyadoo sheegtay in kaliya 17% laga helay $1.42 bilyan oo sanadkan loogu talagalay in lagu caawiyo dadka u baahan.

 

Taasi waxay si toos ah u saameysay adeegyada degdegga ah, iyadoo hay’adaha gargaarka lagu qasbay in ay dhimaan qorshayaashooda ilaa 72%.

Hoos u dhacaasi wuxuu si weyn u yareeyay tirada dadka heli kara caawimada, iyadoo hadda kaliya 1.3 milyan oo qof la gaarsiin karo gargaar, halkii ay ahayd in la gaaro ku dhowaad 4.6 milyan. Qaramada Midoobay waxay sheegtay in weli loo baahan yahay ugu yaraan $367 milyan si loo daboolo baahiyaha ugu muhiimsan.

Warbixinta ayaa iftiimisay in in ka badan 300,000 oo qof — badankood barakacayaal ah — ay waayeen adeegyada biyo nadiif ah iyo fayadhowr, kadib markii la dhimay ama la joojiyay adeegyadii muhiimka ahaa. Dadkani waxay u badan yihiin kuwa ku nool xeryo ciriiri ah iyo deegaanno miyiga ah.

Maalgelinta qaybta biyaha iyo fayadhowrka ayaa lagu sheegay in ay hoos uga dhacday 12%, taasoo hay’adaha ku qasbaysa inay joojiyaan adeegyo muhiim ah xilli ay baahiyuhu kor u kacayaan. Taasi waxay sare u qaaday khatarta cudurrada, gaar ahaan kuwa ka dhasha nadaafad xumida.

Soomaaliya ayaa laga diiwaangeliyay 6,550 kiis oo daacuun iyo shuban biyo badan ah intii u dhexeysay Janaayo ilaa Luulyo, iyadoo sagaal qof u dhinteen. Bishii ugu dambeysay waxaa kaliya la diiwaangeliyay in ka badan 1,000 kiis oo cusub, kuwaas oo ku dhowaad kala bar ay yihiin carruur ka yar shan sano jir. QM ayaa ugu baaqday beesha caalamka inay si degdeg ah uga jawaabaan si looga hortago masiibo ka sii dari karta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here