MUQDISHO (SMN – Daadad xooggan oo ku dhuftay magaaladda Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay 22 qof, waxaana ay saameeyeen in ka badan 450,000 qof, sida ay sheegtay hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bini’aadantinimada ee OCHA Axaddii shalay.
Fatahaadda ayaa timid ka dib markii webiga Shabeelle uu qararka jabsaday, taasoo ku qasabtay tobanaan kun inay ka barakacaan guriyahooda xaafadaha Beledweyne.
Roobab mahiigaan ah oo da’ay horaantii todobaad hore ayaa biyo dhigay wadooyin iyo dhismayaal iyadoo dadka deegaanka ay u carareen degaanada duleedka Beledweyne ku yaalla, ee aan biyaha fatahaada gaari karin.
Daadadku waxay ka tageen raad burbur ah… guryo iyo dhul beereed aad u badan ayay baabi’yeen, xoolihiina way qaadeen, waxay sidoo kale xreen goobaha waxbarashada iyo xarumo caafimaad, waxayna burburiyeen waddooyinka.
Masiibadaan ayaa timid kadib markii ay dhacday abaaro isdabajoog ah, taasoo keentay in malaayiin Soomaali ah ay qarka u saaran yihiin macaluul, iyadoo dowlada ay sameynayso dadaallo badan oo dadka lagu caawinayo