QM oo Soomaaliya ugu hambalyeysay Munaasabadda Kowda luuliyo

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-Simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa shacabka iyo dowladda Soomaaliya ugu hambalyeeyay sannadguurada 64-aad ee ka soo wareegtay madaxbanaanida dalkooda.

 

“Hambalyo! Dabaaldegga maanta waxay fursad u tahay dhammaan dadka Soomaaliyeed inay ku faanaan horumarka la sameynayo,” ayuu yiri Md. Swan.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Anigoo ku hadlaya magaca bahda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, waxaan dib u xaqiijinayaa taageerada Qaramada Midoobay inay si dhow ula shaqeyso dadka Soomaaliyeed iyo madaxdooda si ay u dhisaan Soomaaliya oo nabad ah, xasilloon, loo dhan yahay oo barwaaqo ah.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here