MUQDISHO, Soomaaliya – Hay’adda Qaramada Midoobay ayaa muujisay walaac xoogan oo ku saabsan qaabka ay Soomaaliya u maareyneyso sharciyada la xiriira la dagaallanka argagixisada, iyadoo si gaar ah diiradda loo saaray awoodaha ballaaran ee la siiyay hay’adaha amniga iyo adeegsiga maxkamadaha ciidan ee kiisaska madaniga ah.
Qareenka Gaarka ah ee QM u qaabilsan arrimaha argagixisnimada, Ben Saul, ayaa intii uu booqasho rasmi ah ku joogay Soomaaliya, sheegay in shuruucda hadda jirta aysan la jaanqaadi karin heerarka caalamiga ah ee cadaaladda iyo madaxbannaanida garsoorka.
Saul wuxuu xusay in Soomaaliya ay weli wajaheyso khataro amni, gaar ahaan hanjabaadaha joogtada ah ee ka imanaya kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish, balse waxa uu sidoo kale tilmaamay horumar laga gaaray dhinaca howlgallada ciidan iyo dadaallada lagu wiiqayo kooxaha xagjirka ah.
Isagoo bogaadiyay dedaallada dowladda, ayuu ku baaqay in xoog la saaro barnaamijyada dib u dhaqan-celinta dadka kasoo laabta kooxaha hubeysan, lana ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo carruurta ku lug yeeshay colaadaha.
Dhanka kale, Ben Saul ayaa ka digay in sharciyada la xiriira la dagaallanka maalgelinta argagixisada ay halis ku noqon karaan hay’adaha samafalka iyo xoriyadda warbaahinta, taasoo u baahan in si taxaddar leh loo eego.
QM ayaa la filayaa inay warbixin buuxda oo ku saabsan socdaalka Ben Saul ee Soomaaliya horgeeyo Golaha Xuquuqda Aadanaha bisha Maarso ee sanadka 2026.




