QM oo cambaareysay dilkii ay Puntland ku fulisay 10 kamid ah Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Hay’adda Qaramada Midoobay Carruurta u qaabilsan ee UNICEF, ayaa soo saartay war saxaafadeed ay si kulul ugu cambaareysay dilka 4 kamid ah 10kii qof ee maalmo kahor lagu toogtay magaaladda Gaalkacyo, kuwaasoo Maxkamada Ciidanka Puntland ku heshay inay ka dambeeyeen weeraro iyo dilal kala duwan.

 

UNICEF waxay sheegtay inay aad uga xun tahay tallaabada Puntland ay dilka toogasho ah ugu fulisay afar dhalinyaro ah oo la xukumay iyadoo da’dooda ka yartahay 18 sano, taasoo xad-gudub ku ah sida ay sheegtay xuquuqda carruurta iyo xeerka Cadaaladda.

Hay’adda ayaa ka codsatay maamulka Puntland in uu joojiyo xukunnada dilka ah ee lagu fulinayo caruurta, waxaana ay ku baaqeysaa in nidaamka caddaaladda loo maro dhammaan dhalinyarada qaan-gaarka ah ee loo xiro in ay ku biireen kooxaha hubeysan iyagoo da’doodu ka yar tahay 18 sano.

“Puntland waa inay raacdaa sharciga carruurta iyo xeerarka caalamiga ah ee xuquuqul insaanka ee ku xusan heshiiska xuquuqda carruurta. Waa in aan dil lagu xukumin qof la xiray isagoo ka yar 18 sano,” ayay tiri UNICEF, iyadoo intaas ku dartay in Maxkamadaha Militeriga dalka looga baahan yahay inaan lasoo taagi qof aan qaangaar ahayn, ayna ku shaqeeyaan hab-raac caddaaladda carruurta, isla markaana ay ogaadaan in carruurta aan jirin shacri ku xukumo kara dil toogasho ah caalamka oo dhan.

Maamulka Puntland ayaa lagu booriyay inuu dhaqan-celin u sameeyo carruurta lala xiriirinayo kooxaha hubaysan, si loo ilaaliyo xuquuqda ilmaha.  UNICEF, ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay kala shaqeyso dowladda xoojinta ilaalinta carruurta ku jirta dagaalka.

“UNICEF waxa ay ugu baaqaysaa maamulka Puntland in uu ula dhaqmo carruurta katirsan kooxaha hubaysan sidii dhibanayaal, maadaama la askareeyay si sharci darro ah, in dib u eegis lagu sameeyo hababka garsoorka ee hadda jira si loo hubiyo in carruurta aan lagu xukumin maxkamadaha militariga iyo in la raaco Axdiga ilaalinta Xuquuqda Carruurta oo ay Soomaaliya ansixisay,” ayay UNICEF warkeeda kusoo gabagabaysay.

Puntland wali kama aysan jawaabin warka kasoo baxay QM, waxaana khubarada amniga ay sheegeen in kiiska dilka caruurta uu noqonayaa mid dhaawac u geysan kara nidaamka dowladnimada dalka, oo hadda kasoo kabanaya tobanaan sano oo colaad ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here