QM oo war kasoo saartay weerarkii xooganaa ee ka dhacay xeebta Liido

0

MUQDISHO (SMN) – Ku-simaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii lagu beegsaday shacabka ee ka dhacay xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.

 

James Swan oo tacsi diray ayaa tilmaamay in falka lagu beegsaday shacabka uu ahaa mid aad looga naxo, isla markaana ay cambaareynayaan.

Ergeyga QM u qaabilsan Soomaaliya ayaa sidoo kale xusay inay murugada la qaybsanayaan qoysaska ehellada ku waayay weerarkaasi, isaga oo ku dhaawaca ahna u rajeeyay caafimaad deg-deg ah.

Sidoo kale wuxuu intaasi kusii daray in QM ay ku garab taagan tahay dowladd Soomaaliya iyo shacabkeeda dadaalkooda ku aaddan xaqiijinta nabadda, amniga iyo xasilloonida dalka.

“Xeebta Liido waa meel ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebta Soomaaliya. In la beegsado goobtan waa fal laga naxo oo mudan in si adag loo cambaareeyo,” ayuu qoraalkiisa yiri James Swan.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan oo qaraxyo ku bilowday, uuna xigay dagaal toos ah ayaa hadda kordhay, waxayna dhimashada gaartay 37 qof, halka dhaawacana uu gaaray illaa 247 qof, kuwaas oo la geeyay qaar kamid ah isbitaallada, sida uu xaqiijisay dowladda.

Weerarkii xeebta Liido ayaa dhaliyay khasaare xoogleh, waxaana weli soconayo gurmad loo fidinayo dadka ay waxyeelada soo gaartay oo u badan dhalinyaro ku sugnaa halkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here