QM oo Xasan Sheekh ku amaantay guulaha dagaalka Al-Shabaab

0

MUQDISHO (SMN) – Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo dowladdiisa ku bogaadiyay guulaha laga gaarey dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.

 

Swan oo dhawaan dalka kusoo laabtay, ayaa qiray in dowladda Federaalka ay samaysay horumaro la taaban karo oo ay ku talaabsatay sanadihii u dambeeyay.

“Madaxweyne Xasan Sheekh waxaan ku amaanayaa Howlgalladii ugu dambeeyay ee ka dhacay bartamaha Soomaaliya ee dowladda dhulka badan kula wareegtay, taasi oo muujineysa sida ay  uga go’an tahay horumarinta amniga iyo xasilloonida gobolka,” ayuu yiri ku-simaha Ergayga QM.

Madaxweyne Maxamuud ayaa sidoo kale lagu ammaanay dadaalka uu ugu jiro sidii loo dhisi lahaa cudud ciidan oo xoog leh oo amniga dalka kala wareega Ciidanka ATMIS oo bixitaankooda loo asteeyay bisha December ee sanadkan.

Marka laga soo tago howlgallada militeri, dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horumaro ka sameysay dib u heshiisiinta siyaasadda, dib u soo kabashada dhaqaalaha, dib u habeynta laamaha amniga.

Qaramada Midoobay ayaa muujisay sida ay uga go’an tahay sii wadida taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya si ay u gaarto yoolalka qaran ee ay higsaneyso, oo ay ku jirto hirgelinta Soomaaliya oo nabad ah.

Aqoonsiga beesha caalamka ee guulahaas la gaaray waxay hoosta ka xariiqday jihada wanaagsan ee uu dalku ku socdo, taasoo sabab u ah hogaaminta madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Amnesty oo warbixin kasoo saartay dilal laga fuliyo Soomaaliya

Sanadkii 2023, Soomaaliya waxaa si aad ah u kordhay dilalka, iyadoo ugu yaraan 38 qof lagu dilay, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay Amnesty International.

Tirada dadka la toogtay ayaa aad ugu badan tii sannadkii 2022, oo la diiwaangeliyay 6 dil. Warbixintu waxay tilmaamtay in Soomaaliya ay tahay dalka kaliya ee ka hooseeya saxaraha Afrika ee xukunnada dilka aad looga fuliyo.

Xogta, oo ay soo aruurisay Amnesty International, waxay muujineysaa isbeddelka xoog leh, waxaana tirada la diwaangeliyay ay ka badan tahay saddex jibaar midii hore.

Caalamka, tirada xukunada dilka ah ayaa kor u kacday 30% sanadka 2023, iyadoo ugu badan tahayIran ah, oo 74% dhammaan xukunnada la diiwaan geliyey ka badan fulisay.

Amnesty International waxay cambaareysay ciqaabta dilka ah dhammaan kiisaska ay Maxkamadaha dal ay go’aanada ka gaaraan, iyadoo ku doodeysa inay xadgudub ku tahay xuquuqda nolosha. Warbixinta ayaa hoosta ka xariiqday in xukunno badan oo ka dhacay Soomaaliya iyo hababka loo maro ay xadgudub ku yihiin halbeegyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Iyadoo qaar ka mid ah dalalka gobolka iyo kuwa adduunka oo dhan ay u socdaan sidii ay meesha uga saari lahaayeen ciqaabta dilka ah, ayaa haddana dilalka laga fuliyo Soomaaliya waxay muujinayaan inay u dhaqaaqeen dhinaca kale, iyadoo qeylo dhaan ka soo yeereysa hay’adaha xuquuqul insaanka.

Amnesty ayaa hoosta ka xariiqaya baahida degdega ah ee loo qabo in dib loo qiimeeyo habka ay Soomaaliya u marayso ciqaabta dilka ah iyo in dib loo fiirsado xuquuqda aadanaha iyo sareynta sharciga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here