Qoor Qoor oo guuddoomiyay shir ay yeesheen golaha wasiirada Galmudug

0

DHUUSAMAREEB (SMN) – Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa shir guddoomiyay kulanka Golaha wasiirrada oo uu goo

bjoog ka ahaa madaxweyne ku xigeenka Dowladda mudnae Cali Daahir Ciid.

Ugu horreyn golaha ayaa wasiirka amniga ka dhageystay warbixin la xariirta guud ahaan xaaladda guud ee amniga Galmudug.

Intaas kaddib Golaha Wasiirrada Galmudug ayaa aad uga dooday mashaariicda socota iyo kuwa hortabinta iyo mudnaanta u leh bulshada Reer Galmudug.

Ugu dambeyn madaxweynaha Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa golaha kula dardaarmay dardargelinta qorshaha Dowladda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here