Qoorqoor oo Ka Qayb Galay Saxiixa Qandaraaska Dhismaha Waddada Dhuusamarreeb ilaa Qiridhi

0

Dhuusamarreeb – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), ayaa maanta soo xiray shirka guddiga sare ee mashruuca horumarinta waddooyinka Soomaaliya, kaas oo la qabto saddexdii biloodba mar, una qabsoomay si heer sare ah.

 

Shirkan ayaa waxaa soo agaasinta lahaa Wasaaradda Howlaha Guud ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana martigelisay Wasaaradda Howlaha Guud ee Galmudug. Ujeedada shirku waxay ahayd dardar gelinta iyo isku-xirka mashaariicda horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, gaar ahaan dhismaha waddooyinka muhiimka u ah isku socodka dalka.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa sidoo kale goobjoog ka ahaa saxiixa qandaraaska dhismaha waddada Dhuusamarreeb ilaa Qiridhi, oo dhererkeedu yahay 60-kiloomitir. Waddadan ayaa lagu tilmaamay mid istiraatiji ah oo wax weyn ka tari doonta isku xirka deegaannada Galmudug iyo horumarka kaabeyaasha dhaqaalaha.

Madaxweynaha ayaa ku tilmaamay saxiixa qandaraaskan mid muujinaya guulaha laga gaaray iskaashiga Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada, wuxuuna ballanqaaday in Galmudug ay sii wadi doonto dadaallada horumarineed ee lagu gaarayo isku filnaansho dhaqaale iyo amni.

May be an image of ‎4 people, dais and ‎text that says "‎,ی neconstruction & Housing MARIN ! WADDOOYINKA ΧΙχ JANDARAASKA USA -ቦ B-NADHI ADHI ADHIGAM .M DI b,‎"‎‎May be an image of 5 people, dais and textMay be an image of 7 people, people performing martial arts and textMay be an image of 5 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 1 person, dais and text that says "OΥ FRICAN JEN ( ሲሰሰ 能区西商业下 AMDEVELOPWEN AFRICA DE istry of Public Works, Reconstruction & Housing IASHRUUCA HORUMARINTA WA DOYINKA MUNAASABADDA SAXIIXIDDA ပိ Hn SKA ISMAHA WADADA DHUSAMAREB COKM 25th September 2025 Dhusamareeb, Talla a AL-NASRI 0B Multi-Partner SOMALIA INFRASTRUCUTURE FUND"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here