Qorshaha Isbeddelka Qaranka oo Muqdisho Lagu Dardargelinayo

0

MUQDISHO — Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ayaa Muqdisho ka furtay kulan wadatashi oo ay isugu yimaadeen Golaha Horumarinta Qaranka, kaas oo ay ka qeybgalayaan Wasiirka Qorsheynta Dowladda Federaalka iyo wasiirrada qorsheynta dowlad-goboleedyada.

 

Kulanka ayaa xooga lagu saaray dardargelinta hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (QIQ 2025–2029), xoojinta wada-shaqeynta hay’adaha heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, gurmadka abaaraha dalka ka jira iyo sidii loo mideyn lahaa qorsheynta horumarineed ee heer qaran.

Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene), ayaa furitaanka kulanka ku adkeeyay muhiimada dhismaha nidaam mideysan oo hagaya qorsheynta qaranka, isagoo hoosta ka xarriiqay baahida loo qabo in si buuxda loo dardargeliyo fulinta QIQ 2025–2029.

Inta lagu guda jiray kulanka, waxaa lagu soo bandhigay natiijooyinka qiimeynta muddada-dhammaadka Qorshaha 9-aad ee Horumarinta Qaranka (QHQ 2020–2024), iyo warbixin ku saabsan heerka ay marayaan hawlaha la xiriira Qorshaha Isbeddelka Qaranka. Wasiirrada dowlad-goboleedyada ayaa isna soo gudbiyay warbixinno muujinaya guulaha la gaaray, caqabadaha taagan, iyo mudnaanta sanadka soo socda.

Wasiir Beenebeene oo soo xiray kulanka ayaa sheegay in Wasaaradda Qorsheyntu ay sii adkeyn doonto iskaashiga ay la leedahay dowlad-goboleedyada, si loo xaqiijiyo hirgelinta QIQ, loona horumariyo adeegyada bulshada Soomaaliyeed.

Wuxuu ku nuuxnuuxsaday in wadashaqeyn mideysan iyo qorshe qaran oo hufan ay muhiim u yihiin gaarsiinta dalka horumar joogto ah oo loo wada dhan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here