Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo qaabilay wafdi ka socday QM + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka XJFS Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa maanta qaabilay agaasimaha barnaamijka Qarammada Midoobay ee Deegaanka (UNEP Excutive Director) Marwo Inger Anderson oo dalka ku timid booqasho shaqo.

 

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa la wadaagay agaasinka, duruufta adag ee ay dalkeenna u keentay isbeddelka cimilada iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay in wax laga qabto.

Marwo Andersen ayaa dhankeeda ku ammaantay Dawladda ahmiyadda ay siinayso wax ka qabashada xaaladaha ay sababtay isbedelka cimiladu, iyadoo sheegtay in ay dhankooda diyaar u yihiin la shaqaynta Dawladda Soomaaliyeed.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here