MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa faray ciidanka nabad ilaalinta ee ATMIS inay si deg deg ah ula wareegaan amniga xerada Afisiyooni oo lagu qabanayo doorashada Guddoonka Golaha shacabka iyo tan madaxweyna, si aan loo carqaladeyn.
“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS inay si deg deg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota”. ayuu yri Ra’iisul wasaare Rooble.
Ra’iisul waasare Rooble ayaa sheegay in hoggaan ciidanka nabad ilaalinta ATMIS, ay si dhow ula shaqeynayaan wasaaradda Amniga, Gaashaandhiga iyo waliba Guddoonka KMG ee Golaha shacabka.
Bayaan ka soo baxay Xafiiska ra’iisul wasaaraha ayaa lagu yiri ” liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.