R/W Xamse oo daah-furay mashruuc muhiim u ah kalluumeysatada Soomaaliyeed

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa sheegay in mashruuca Badmaal ay ka faa’iidaysan doonaan kumanaan ka tirsan kalluumaysatada Soomaaliyeed, islamarkaana dib u dhis loogu samayn doono kaabayaasha muhiimka u ah kalluumaysiga dalka.

 

Barnaamijka Badmaal ayaa ah mid diiradda saarayaa taageeridda bulshooyinka xeebaha iyo horumarinta maareynta Kalluumeysiga ee guud ahaan dalka iyo isku-xirnaanta iskaashatooyinka kalluunka ee dalka, si ay uga faa’iideystaan kheyraadka baddeena hodanka ah ceegaaga.

Raiisul Wasaaraha ayaa hadalkan ka sheegay mar uu maanta daah-furaayey barnaamijka Badmaal lagu horumarinayo iskaashatooyinka kalluumaysiga, iyada oo xoogga la saarayo tayeynta qalabka, xirfadaha kalluumaysatada, kobcinta dakhligooda, iyo guud ahaan kor u qaadidda kaabayaasha dhaqaalaha dalka, gaar ahaa waaxda kalluumaysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here