R/W Xamza oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga ee Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo daahfuray howlgelinta xarunta Bangiga Dhiigga ee Muqdisho, ayaa tilmaamay muhiimadda ay xaruntan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan in la helo dhiig ku filan oo lagu badbaadin karo nolosha dad badan oo u baahan daryeel caafimaad oo degdeg ah.

 

Xarunta Bangiga Dhiigga ayaa ah mid casri ah oo laga hirgeliyey caasimadda, isla markaana la dhigay mishiinadii ugu danbeeyey oo casri ah ayaa la filayaa inay kaalin weyn ka qaataan samata bixinta bukaannada u baahan dhiigga, iyada oo gacan weyn ka geysan doonta yareynta helitaanka dhiig caafimaad qaba oo ku filan bukaannada.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, ayaa sidoo kale waxa uu booqday Isbitaalka Banaadir, halkaas oo uu kormeeray qaybta dhaqidda kelyaha oo Iyana la dhigay qalab casri ah, isla markaana si lacag la’aan ah bukaanka ugu adeegi doonta.

Mudane Xamsa waxa uu xusay in horumarinta adeegyada caafimaadku ay ka mid tahay tiirarka ugu muhiimsan ee qorshaha xukuumadda, isagoo ku nuuxnuuxsaday in caafimaadka bulshada uu yahay aasaaska horumarka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku boorriyay shaqaalaha caafimaadka in ay sii wadaan dadaalkooda si loo xaqiijiyo in adeegyada caafimaadku ay noqdaan kuwo waxtar leh oo gaara dhammaan bulshada Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaaaraha ayaa ugu dambeyntii u mahadceliyay dowladda Boqortooyada Sucuudi Carabiya oo gacan ka siisay hirgelinta iyo dib habeynta qaybahan caafimaad.

Xukuumadda DanQaran ayaa ku howlan dardar-gelinta qorshayaasha horumarinta adeegyada caafimaadka, si loo hagaajiyo tayada adeegyada caafimaad ee dalka, loona xaqiijiyo helitaanka adeegyo caafimaad oo dhan walba ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here