R/W Xamza oo shaaciyay ujeed ay Al-Shabaab ka leeyhiin qaraxyada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’isul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in duulaankii ay kooxaha Khawaarijta ah ku qaadeen Waxbarashada 29-kii bishii Oktoobar ee sanadkii hore ay dowladdu ka bixisay jawaabo deg-deg ah oo ay kamid yihiin dagaalka cadowga looga sifeynayo dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Alle uga baryay naxariistiisa Janno in uu ka waraabiyo shuhadadii naftooda ku waayey falkaas argagixiso, waxuuna hoosta ka xariiqay in aan looga hari doonin daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed kooxaha dhagar-qabayaasha ah oo laga xoreeyey deegaanno badan oo dalka ah.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in Waxbarashadu aysan u hakan doonin falalka gurracan ee argagixisada, iyada oo miisaaniyadda cusub ee dhawaan la ansixiyey ay kamid yihiin shaqaaleysiinta 6-kun oo macallimiin ah, kuwaas wax baraya ubadka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre oo ka hadlay madal lagu xusuusanayey, looguna ducaynayey shuhadadii naftooda ku waayey weerarkii 29kii Oktoobar, ayaa ku ammaanay guud ahaan qeybaha bulshada Soomaaliyeed sida ay ugu baraarugsan yihiin dhagarta cadowga baneystay daadadin dhiiggooda

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here