R/W Xamza oo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay xuska maalinta Calanka

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hambalyo ku aadden xuska Maalinta Calanka oo ku beegay 12-ka October u diray dhamaan Shacabka Soomaaliyeed.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa tilmaamay in maanta ay tahay maalin qiimo ku leh ummadda Soomaaliyeed, maadaama ay ku beegan tahay markii maanta oo kale sanadkii 1954-tii la gardaadiyey Calankeenna oo ah astaan ka tarjumaysa gobannimada, wadajirka iyo midnimada ummadda Soomaaliyeed.

“Waxaan aan hambalyo u dirayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Xuska Maalinta Calanka Soomaaliyeed. Maanta waxaan u wada taagannahay in aan difaacno calankaas oo ay dullaan ku yihiin argagixisada dalkeenna u diiddan nabadda iyo horumarka” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ugu baaqay bulshada Soomaaliyeed in loo midoobo dagaalka cadowga Khawaarijta ee caqabadda ku ah nabadda iyo horumarka, isla markaana ka soo horjeeda jiritaanka bulshada Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here