Rabshado dhimasho sababay oo ka socda Tanzania kadib doorasho ka dhacday

0
Madaxweynaha Tanzania, Samia Suluhu Hassan, oo 65 jir ah, ayaa mar kale ku guuleysatay doorashada muranka dhalisay ee dalka, iyadoo heshay 98% codadka la tiriyey, sida ay ku dhawaaqday Guddiga Doorashooyinka Qaranka maanta. Samia Suluhu Hassan ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay ee Madaxweyne ka noqota Tanzania markii ay xilka la wareegtay 2021 ka dib geeridii John Magufuli, xilli ay iyadu ahayd Madaxweyne ku xigeen.

Doorashada ayaa lagu sheegay in ay ka qayb galeen ku dhawaad 32 milyan codbixiyeyaal ah, waxaana xisbiga talada haya ee (CCM) uu ku guuleystay 270 kursi oo ka mid ah 272 kursi oo baarlamaanka.

Si kastaba ha ahaatee, doorashadu waxa ay dhalisay rabshado iyo cabsi guud oo ka jirta dalka oo dhan. Kooxo xuquuqul insaaneed iyo goobjoogayaal caalami ah ayaa sheegay in boqolaal qof lagu dilay, boqolaal kalena lagu dhaawacay isku dhacyo ka dhacay waddooyinka. Internet-ka oo gebi ahaanba dalka laga jaray ayaa adkeeyay xaqiijinta khasaaraha dhabta ah. Dowladda ayaa sidoo kale kusoo rogtay bandow magaalooyin badan oo ay ku jirto Dar es Salaam.

“Waxaan halkan ku caddeynayaa in Samia Suluhu Hassan ay tahay madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Muungano ee Tanzania,” ayuu yiri Jacobs Mwambegele, guddoomiyaha guddiga doorashada, xilli uu natiijada ku dhawaaqayay subaxnimadii Sabtida.

Xisbiyada mucaaradka ayaa ku eedeeyay dowladda in ay u adeegsatay awoodda ciidamada iyo hay’adaha dowladda si ay u caburiso codadka mucaaradka. Afhayeen u hadlay Chadema ayaa sheegay in in ka badan 700 qof lagu dilay dalka oo dhan, halka ilo diblumaasiyadeed ay xaqiijiyeen dhimasho ka badan 500 qof. Wasiirka arrmaha dibadda Tanzania ayaa beeniyay inay dowladda dishay 700 qof, wuxuu xusay in doorasho si xor iyo xalaal ah u dhacday, islamarkaana kuwa rabashadaha wada loola macaamilay si waafaqsan sharciga dalka.

Dhinaca kale, Samia Suluhu Hassan ayaa wajahaysa dhaleeceyn caalami ah oo xooggan. Ururka Amnesty International ayaa sheegay in dowladda Tanzania ay fulisay “olole cabsi gelin ah oo ay ku jiraan afduubyo, jirdil iyo dilal aan sharci ahayn.” Dowladda ayaa beenisay eedeymahaas, iyadoo sheegtay in “doorashadu ay ahayd xor iyo cadaalad.”

Maalintii Jimcaha, kumannaan dhallinyaro ah ayaa isugu soo baxay waddooyinka Dar es Salaam, Arusha iyo Mwanza, iyagoo gubayay sawirrada Samia Suluhu iyo calamada xisbiga CCM, islamarkaana ku dhawaaqayay in doorashadu tahay mid lagu soo dhacay. Booliska ayaa adeegsaday rasaas iyo sunta dadka kala erya si ay u kala diraan mudaaharaadayaasha.

Musharraxiinta mucaaradka ah ee ugu muhiimsan sida Tundu Lissu ayaa xabsi ku jira, halka Luhaga eMpina laga reebay tartanka sababo sharci ah. Falanqeeyayaasha arrimaha siyaasadda ayaa ka digaya in haddii xaaladda hadda jirta aan xal degdeg ah laga helin, Tanzania ay gali karto marxalad madax-adayg iyo kala qaybsanaan siyaasadeed, taasoo khatar ku ah xasilloonida gobolka Bariga Afrika.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here