Rag dil, dhaawac iyo dhac ka gaystay Muqdisho oo lasoo qabtay + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa howlgal ay ka sameeyeen gudaha magaalada Muqdisho waxa ay kusoo qabteen ku dhowaad 10 eedeysane oo loo haysto inay dil, dhaawac iyo dhac ka gaysteen qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir.

 

Qoraal kasoo baxay Taliska Booliska Gobolka Banaadir ayaa waxaa lagu sheegay in raggan ay ay ku jirto shabakad abaabulan oo dhibaatooyin ka wadday gudaha caasimadda.

Sidoo kale Booliska ayaa sheegay in eedeysanayaashan la horgeyn doono maxkamad, kadibna laga qaadi doono tallaabo adag oo sharciga waafaqsan.

“Taliska Qeyta Guud ee Boliiska Gobalka Banaadir oo kaashanaya Hay’addaha kale ee amaanka Caasimada howlgal wadajir ah oo ay sameeyeen kusoo qabtay burcad gaareysa ilaa 9 eedeysane oo geestay falal isku jira dil dhaawac iyo dhac dadweyne, waxaana kujira shabakado abaabulan, waxaa kusocota baaris waxaana la horgeyndoonaa Maxkamadda awooda u leh” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.

Waxaa kale oo lasii raaciyay”Muwaadin hadii aad la kulan falal ammaanka liddi ku ah ama aad wajigarato eedeysanayaashaan oo ay hore dhac kuugu geesteen la xariir Xafiiska gurmad ee 991 ama kusoo hagaaji banadir@police.gov.so.”.

Muddooyinkii dambe ciidanka ammaanka ee dowladda ayaa howlgallo culus oo amni xaqiijin ah ka waday xaafadaha Muqdisho, kuwaas oo looga nastay falalka ammaan darrida ee ka dhici jiray gudaha caasimadda.

Halkan hoose ka daawo Sawirrada:-

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here