Rag hubeysan oo ganacsade ku dilay duleedka magaalada Muqdisho

0

MUQDISHO (SMN) – Wararka laga helayo Deegaanka Ceelsha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in xalay halkaasi lagu dilay ganacsade caan ka ahaa deegaankaasi.

 

Marxuumka ayaa lagu magacaabayay Yuusuf Cali Xuseen, kaasi oo dukaan dharka lagu iibiyo ku lahaa halkaasi, sidoo kalana waxaa ku dhex yiilay harqaan.

Dilkiisa ayaa yimid sida wararku sheegayaan kadib markii laba nin oo ku hubeysnaa qorayga AK47, watayna dareeska ciidamada ay ku amreen inuu bixiyo lacago lagu sheegay baadm taas oo gaaraysay boqolaal dolarka Mareykanka ah.

Ganacsadaha ayaa la sheegay inuu ka biya diiday bixinta lacagtaasi iyadoo ay xigtay rasaas ay huwiyeen ganacsadaha, taasi oo sababtay geerida Marxuumka.

Ehelada ganacsadaha ayaa sheegay in Labada nin ee falka geesatay ay goobta ka baxsadeen, waxayna dalbadeen cadaalad si loo soo qabto eedeysanayaasha.

Ciidamada amaanka ayaa lagu soo warramayaa in haatan ay baadi goob ay ugu jiraan ragga dilka geysatay, kuwaasi oo la tilmaamay in dilka kadib ay baxsadeen.

Arintan ayaa waxaa argagax ay ku abuurtay bulshada ku nool deegaanka Ceelasha Biyaha kuwaasi oo si weyn uga naxay dilkaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here