Rag qarax ku diyaarinayay guri ku yaalla magaalada Muqdisho oo lasoo qabtay

0

MUQDISHO (SMN) – Ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, gaar ahaan kuwa xasilinta caasimada ayaa lasoo sheegayaa inay maanta gacanta ku sii dhigeen saddex nin oo la sheegay inay walxaha qarxa ku farsameynayeen guri ku yaalla agagaarka isgoyska Tarabuunka ee magaalada Muqdisho.

 

Saddexda nin ayaa la sheegay in dhaawacyo ay soo gaareen, kadib markii uu ku qarxeen waxyaabihii ay farsameynayeen, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Raggan oo dhaawacyo ah ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay hadda la wareegeen ciidamada ammaanka, waxaana ku socdo baaritaano dheeraad ag.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa haatan howlgallo ka wada ciidamada dowladda, si looga hortago falalka ammaan darri ama weerarada ay Al-Shabaab ka gaystaan gudaha caasimadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here