Rag qaraxyo usoo waday Muqdisho oo lagu qabtay gobolka Shabeelaha Hoose

0

AFGOOYE (SMN) – Ciidamada nabad sugidda Koonfur Galbeed oo howlgallo ka sameeyay gobolka Shabeelaha Hoose ayaa gacanta kusoo dhigay laba nin oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

Raggan oo la socday gaari nooca raaxada ah ayaa waxaa lagu qabtay barkoontarool oo ku taalla deegaanka Lambar 50 ee gobolka Shabeelaha Hoose.

Saraakiisha ammaanka Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday in raggan ay kusii jeedeen Muqdisho, ayna wadeen walxaha qarxa.

Sidoo kale waxa ay intaasi kusii dareen in haatan lagu hayo baaritaano, isla-markaana wixii kasoo baxa ay la wadaagi doonaan dadka Soomaaliyeed.

Koonfur Galbeed ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan yihiin Al-Shabaab, waxaana badanaa ka dhaca weeraro qorsheysan dagaallo xoogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here