Labada mas’uul waxa ay isla soo qaadeen iskaashiga iyo wax wada-qabsiga labada dal iyo sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen xal u helidda dhibaatooyinka soo wajaha dalalka qaaradda Afrika ee ay ugu horreyso saameynta isbeddelka cimilada.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre waxa uu Qaramada Midoobay kula kulmay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Sacuudiga, Amiir Faysal Bin Farxaan, oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ka dhaxeeya labada waddan ee walaalaha ah ee Soomaaliya iyo Sacuudiga.
Ra’iisul wasaaraha ayaa horay kulan doceed ula yeeshay Agaasimaha Maamulka Bangiga Adduunka, Anna Bjerde oo ay ka wada-haldeen xoojinta iskaashiga labada dhinaca iyo taageerada Bangigu siiyo Soomaaliya, taasi oo u gogol xaareysa horumar waara iyo koboc dhaqaale oo dalkeenu gaaro.
Madaxda kale ee ay Xamza isku arkeen New York waxaa kamid ah Xoghayaha Arrimaha Dibedda ee Mareykanka Antony Blinken iyo Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka dalka Ethiopia, Demeke Mekonnen Hassen oo ay ka wada hadleen xoojinta xiriirka iyo iskaashiga dalalkooda kala dhexeeya Soomaaliya.