Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo dalkiisa ku soo dhaweeyay Madaxweynah Israa’iil.

0

Addis Ababa – Ra’iisul Wasaaraha Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Addis Ababa ku qaabilay Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog, iyagoo yeeshay kulan rasmi ah oo diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka labada dal.

 

Qoraal kooban oo laga soo saaray xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in labada hoggaamiye ay ka wada hadleen arrimo ay ka mid yihiin amniga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha, tiknoolajiyadda, beeraha iyo horumarinta maalgashiga. Labada dhinac ayaa muujiyay sida ay uga go’an tahay kor u qaadista wada-shaqeynta iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed.

Booqashada Madaxweynaha Israa’iil ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Itoobiya bishii December 2025 aqoonsatay Somaliland, arrintaas oo dhalisay falcelin siyaasadeed oo gudaha iyo dibaddaba ah.

Sidoo kale, warar isa soo taraya ayaa sheegaya in Itoobiya, Israa’iil iyo Imaaraadka Carabta ay ka wada hadlayaan dhismaha isbahaysi la xiriira amniga iyo maareynta marin-biyoodka Badda Cas. Inkastoo aan si rasmi ah loo xaqiijin faahfaahinta heshiis noocaas ah, haddana tallaabo kasta oo la xiriirta Badda Cas ayaa loo arkaa mid saameyn weyn ku yeelan karta isu-dheellitirka awoodaha gobolka.

Badda Cas ayaa ah marin ganacsi oo istiraatiiji ah oo isku xira qaaradaha Afrika, Aasiya iyo Yurub, taasoo ka dhigaysa mid leh muhiimad amni iyo dhaqaale oo caalami ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here