Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo la kulmay Taliyaha AFRICOM 

0

ADDIS ABABA – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa magaalada Addis Ababa ku qaabilay General Michael Langley, Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee Afrika (AFRICOM). kulanka ayaa lagu falanqeeyay “arrimo laba geesood ah,  kuwa gobolka Geeska Afrika iyo danaha ay wadaagaan labada dal.”

 

“Waxaa maanta magaalada Addis Ababa ku soo dhaweeyay General Michael Langley, Taliyaha AFRICOM, oo kawada hadalnay arrimaha xiriirka laba geesoodka ah iyo kuwa gobolka,” ayuu yiri Abiy Axmed. Dowladda Itoobiya ma aysan bixin fahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan kulanka, oo kusoo beegmaya xili Mareykanka uu kordhiyay duqeymaha Soomaaliya ee ka dhanka ah Daacish iyo Al-Shabaab.

Kulanka ayaa dhacay maalin kadib markii Somaliland ay xaqiijisay in General Langley uu qeyb ka ahaa wafdi booqday Berbera iyo Hargeysa oo uu hogaaminayey safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Richard Riley. Wafdiga ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo saraakiil sare.

Wafdiga Mareykanka ayaa booqday dekedda Berbera, iyagoo eegayay kaabeyaasha muhiimka u ah iskaashiga amniga gobolka.

War-saxaafadeed kasoo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in wadahadallada ay diiradda saareen “ammaanka wadaagga ah, danaha badda iyo iskaashiga difaaca,” iyadoo la sheegay in Berbera ay leedahay muhiimad istiraatiiji ah oo ku aaddan amniga marin-biyoodka Baabul-Mandab.

Warar hoose oo diblumaasiyadeed ayaa tilmaamaya in Mareykanka uu doonayo inuu saldhigyo cusub ka sameysto magaaladda Berbera, si uu uga hortago khataraha sii kordhaya ee kaga imanaya Xuutiyiinta Yemen oo weerarro ku haya maraakiibta caalamiga ah ee maraysa Badda Cas. Weeraradaasi ayaa lala xiriirinayaa taageero toos ah oo ay Xuutiyiintu ka helaan dowladda Iran — oo iyadu hadda dagaal toos ah kula jirta Israel.

Sidoo kale, falanqeeyayaal amni ayaa saadaalinaya in haddii Mareykanku uu si toos ah u weeraro Iran, ay suurta-gal tahay in Iran ama xulafadeeda gobolka — sida Xuutiyiinta — ay bartilmaameedsadaan saldhigyada Mareykanka ee Bariga Dhexe iyo kuwa Geeska Afrika sida midka Jabuuti ku leeyahay, taasoo khatar gelin karta xasilloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here