Ra’iisul Wasaaraha JFS oo Booqday Ra’iisul Wasaare Hore Maxamed Xuseen Rooble

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa hoygiisa ku booqday Ra’iisul Wasaare hore Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

 

Kulanka labada mas’uul ayaa diiradda lagu saaray xaaladihii ugu dambeeyay ee dalka, gaar ahaan arrimaha la xiriira gogosha wadahadalka ee dowladda iyo Golaha Mustaqbalka Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa caddeeyay in gogosha wada-hadalka dowladda ay mar kasta fidsan tahay, albaabkuna u furan yahay dhammaan madaxdii hore iyo dhinacyada siyaasadeed. Wuxuu xusay in ay muhiim tahay in si wadajir ah xal waara loogu helo arrimaha taagan, si dalka uu horey ugu tallaabsado.

Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay dardargelinta dadaallada lagu ciribtirayo cadowga Khawaariijta, iyo in si mideysan looga hortago faragelinta dibadeed ee lagu sameeyo dalka.

Kulanka ayaa ku soo dhammaaday is-afgarad ku saabsan xoojinta wada-hadalka iyo iskaashiga siyaasadeed si loo xaqiijiyo xasilloonida iyo horumarka Soomaaliya.

May be an image of one or more people, the Oval Office, dais and textMay be an image of dais, the Oval Office and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here