Yinchuan – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa booqasho rasmi ah ku tagay xarunta Warshadaha Tamarta iyo Kiimikada ee Ningdong, taas oo ku taalla Gobolka Ismaamulka Ningxia Hui ee dalka Shiinaha.
Xaruntan ayaa ka mid ah meelaha ugu horumarsan Shiinaha ee dhanka warshadaha tamarta iyo kiimikada, waxayna door muuqda ka ciyaartaa isbeddelka warshadeed iyo tamareed ee dalkaas.
Ujeeddada booqashada ayaa ahayd sidii dowladda Soomaaliya uga faa’iideysan lahayd khibradaha guuleystay ee laga dhaxlay qorsheyaasha horumarineed ee gobolka Ningxia, gaar ahaan dhismaha warshadaha tamarta dhaliya, u guurista tamarta nadiifta ah, iyo kobcinta warshadaha casriga ah. Tani ayaa qeyb ka ah dadaallada Soomaaliya ee ku aaddan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in gobolka Ningxia uu yahay tusaale cad oo muujinaya sida horumar waara looga gaari karo is-dhexgalka siyaasadda, warshadaha, iyo horumarinta deegaanka.
Wuxuu xusay in khibradaha laga helay booqashadan ay Soomaaliya u horseedi doonaan waddooyin iskaashi oo wax ku ool ah oo kor u qaadi kara tamarta, warshadaha, iyo shaqo abuurka.
“Soomaaliya waxay hiigsanaysaa in ay dhisto waax tamareed oo casri ah, abuurto fursado warshadeed oo cusub, isla markaana ay dardar geliso shaqo abuurka dhallinyarada dalka oo ah laf-dhabarka mustaqbalka qaranka, iyada oo kaashaneysa tignoolajiyadda horumarsan iyo maalgelinta shisheeye,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.
Booqashadan ayaa sidoo kale qeyb ka ah dadaallada dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan xoojinta xiriirka iskaashi ee ay la leedahay Shiinaha, gaar ahaan dhinacyada horumarinta dhaqaalaha, tamarta, iyo warshadaha.




