MUQDISHO, Soomaaliya — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu kala wareejiyay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, iyo Wasiirkii hore, Mudane Axmed Macallin Fiqi.
Munaasabadda xil-wareejinta oo si rasmi ah looga dhigay xarunta Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, shaqaalaha wasaaradda, iyo marti sharaf kale.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Wasiirkii hore, Axmed Macallin Fiqi, shaqadii uu kasoo qabtay muddadii uu xilka hayay, isagoo xusay in uu door muhiim ah ka qaatay horumarinta siyaasadda arrimaha dibadda iyo xoojinta xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya.
Sidoo kale, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa Wasiirka cusub, Cabdisalaan Cabdi Cali Dhaay, ku dhiirrigeliyay inuu si hufan u guto waajibaadkiisa, islamarkaana uu sii ambaqaado howlaha muhiimka ah ee horyaalla Wasaaradda, gaar ahaan xoojinta xiriirka Soomaaliya la leedahay beesha caalamka iyo ilaalinta danaha qaranka.
Wasiirka cusub ayaa dhankiisa uga mahadceliyay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Ra’iisul Wasaaraha kalsoonida ay ku aamineen, isagoo ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono sidii Soomaaliya uga yeelan lahayd door muuqda oo firfircoon dunida inteeda kale.
Xil wareejintan ayaa timid kadib isbeddel lagu sameeyay golaha wasiirrada, iyadoo qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hay’adaha dowliga ah iyo kor u qaadista waxqabadka xukuumadda.








