Ra’iisul Wasaaraha oo xilka u kala wareejiyay Wasiirka Cusub ee difaaca iyo kii hore

0

Muqdisho, Axad, 06 Abriil 2025: — Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xilka u kala wareejiyey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashaandhigga Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, iyo Wasiirkii hore Mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur.

 

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa tilmaamay in Wasaaradda Gaashaandhiggu ay laf-dhabar u tahay difaaca Qaranka, amniga iyo horumarinta siyaasadda Qaran ee dib-u habeynta iyo tayeynta ciidanka Qaranka ee habeen iyo dharaarba u dhimanaya difaaca dalka, dadka iyo diinta, si loo ciribtiro kooxaha Khawaarijta ah, loona baahan yahay in la dhammaystiro Qorshaha Xukuumadda DanQaran ee Soomaaliya nabad ah.

“Wasaaradda Gaashaandhiggu waxa ay ku tallaabsatay horumar dhinacyo badan leh oo ay kamid yihiin qaadista cunaqabateyntii hubka oo muddo dheer kaddib dalkeenna laga qaaday, diyaarintii ciidamadii kala duwanaa ee ka qeyb-qaatay amniga caasimadda, iyo diyaarinta qorshaha casriyeynta hannaanka ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed oo lagu sameeyay dib-u-habeyn xooggan, sidaas awgeed Wasiirka cusub waxaa laga doonayaa in uu horumariyo siyaasadda Qaran ee difaaca iyo dib-u xoreynta dalka”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Mudane Xamsa, ayaa Wasiir Cabdiqaadir, ku ammaanay dedaalkii uu galiyey uu galiyey sidii loo heli lahaa ciidan Qaran oo awood u leh in ay dalkeenna ka difaacaan cadowga, una diyaarsan ciribtirka Khawaarijta, waxaa uuna Wasiirka cusub kula dardaarmay in uu dardargaliyo dib u habeynta ciidamada iyo wada-shaqaynta hey’addaha amniga, si looga guuleysto argagixisada.

May be an image of 4 peopleMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 peopleMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 3 people and daisMay be an image of 4 people and daisMay be an image of 2 people, suit and daisMay be an image of 1 personMay be an image of 3 people, dais and text

— Dhammaad —

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here