Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Dhagax-dhigay Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dhismaha cusub ee Machadka Cilmi-baarista Beeraha Qaranka, isaga oo tilmaamay in machadkani uu soo saari doono khubaro Soomaaliyeed oo kaalin muuqata ka qaata horumarinta wax soo saarka beeraha dalka.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in beeruhu yihiin laf-dhabarta dhaqaalaha dalka, sidoo kalena ay muhiimad weyn u leeyihiin horumarinta bulshooyinka dunida oo dhan. Isaga oo carrabka ku adkeeyey, wuxuu sheegay in Xukuumadda DanQaran ay mudnaanta koowaad siinayso kordhinta wax soo saarka gudaha, maadaama caalamku uu wajahayo cabsi ku saabsan cunno yaraan, taas oo waddamo badan ku qasabtay inay joojiyaan dhoofinta dalagyadooda.

“Dhulkeennu waa mid aad ugu habboon beerista oo leh biyo ku filan. Waxaan nahay dal isku filnaan kara haddii la horumariyo wax soo saarka beeraha. Xukuumaddana waxaa ka go’an inay xoogga saarto kobcinta dhaqaale ku saleysan beeraha iyo xoolaha,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka dadaalka ay ugu jirto abaabulka beeraleyda iyo iskaashatooyinka, isagoo adkeeyey baahida loo qabo in la kordhiyo wacyigelinta iyo aqoonta beeraleyda. Wuxuu ganacsatada Soomaaliyeed ku booriyey inay dib u eegaan maalgashiyadooda, isla markaana ku dhiirradan inay maalgelin ku sameeyaan wax soo saarka gudaha, gaar ahaan beeraha oo uu sheegay inay leeyihiin fursado dhaqaale oo ballaaran.

“Soomaaliya waxa ay ku taallaa goob istaraatiji ah oo dunida oo idil muhiim u ah, waxaana jira dalal badan oo diyaar u ah inay dalkeenna maalgashadaan, gaar ahaan beeraha iyo xoolaha,” ayuu ra’iisul wasaaruhu xusay.

Dhismaha machadka ayaa qeyb ka ah qorshaha xukuumadda ee lagu horumarinayo cilmi-baarista iyo tayeynta wax soo saarka beeraha, si loo gaaro iskaashi iyo koboc dhaqaale oo waara.

May be an image of dais and text that says "ΙΛΑΔ THE WORLD BANK IBRD IDA WORLD GROUP MUNAASABADDA DHAGAX-DH -DHIGO CILM AARISTA BEERAHA QARANKA FSRP SOMALIA AFOODSYSTEMS ODSYSTEMS RESILIENCE RESILIENCE PROJECT DHISMAHA CUSUB EE ASAARAD REERAH ACHA w obta:xarudhex obta:xaru obta xaru dhex ebl"May be an image of one or more people and suitMay be an image of dais and textMay be an image of one or more people and suitNo photo description available.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here