Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Ka Qeyb Galay Munaasabad Lagu Soo Bandhigay Natiijooyinkii COP30

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Mudane Hamza Abdi Barre, ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu soo bandhigayay guulihii iyo natiijooyinkii ay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka soo hooysay Shirweynaha Isbeddelka Cimilada Adduunka ee COP30 oo ka dhacay dalka Brazil.

 

Munaasabadda ayaa lagu soo bandhigay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan dadaallada dowladda ee la xiriira la-tacaalidda saameynta isbeddelka cimilada, mashaariicda dib-u-soo-kabashada deegaanka, qorshayaasha yaraynta fatahaadaha, iyo fursadaha maalgelinta deegaanka.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa bogaadiyey doorka firfircoon ee wafdiga Soomaaliya ay ka qaateen doodaha caalamiga ah, isaga oo xusay in Soomaaliya ay si dhab ah uga gorgortantay helitaanka Maalgelinta Cimilada (Climate Finance) iyo magdhowga khasaaraha ka dhasha isbeddelka cimilada, gaar ahaan waxyeellada ay sababeen dalalka warshadaha leh.

Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu sheegay in xukuumaddiisu ay dhistay wasaarad gaar u ah arrimaha deegaanka, si xal waara loogu helo saamaynta abaaraha iyo isbeddelka cimilada, taas oo ka tarjumaysa mudnaanta ay dowladdu siisay arrimaha deegaanka.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in shacabka Soomaaliyeed ay wajahayaan abaar aad u adag oo u baahan gurmad degdeg ah, si wax looga qabto xaaladaha nololeed ee adag ee ay ku sugan yihiin.

Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta gurmadka dadka tabaalaysan, iyadoo la sameeyay sanduuq lagu uruurinayo dhaqaalaha loogu talagalay gurmadka abaaraha. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale la kulmay safiirrada dalalka saaxiibada la ah Soomaaliya, isaga oo ugu baaqay madaxda dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah in ay ka qeyb qaataan taageerada gurmadka.

Ugu dambayn, Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa ugu baaqay culimada, ganacsatada iyo samafalayaasha Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan dadaallada lagu gaarsiinayo gurmad iyo taakulo dadka Soomaaliyeed ee ku jira duruufaha adag.

May be an image of one or more people, suit and text that says "30 SIL ONIA 2025 LADDAFEDEALK ALKI LADDA FEDE AHA ISBEDDEL OP 30 -2025 an ka Xogta ogta 30 GOVERNMENT OF AT.COP30- 2025 February 2025"May be an image of one or more people, dais and text that says "W"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here