Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Khudbad Muhiim ah ka Jeediyey Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika

0

MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta khudbad muhiim ah ka jeediyey Shirka 5-aad ee Nabadda iyo Horumarka Afrika, kaasoo lagu qabtay magaalada Aswan ee Jamhuuriyadda Carbeed ee Masar. Shirka oo cinwaankiisu ahaa “Awoodda Afrika ee Horumarka iyo Isbeddelka Adduunka Casriga ah” ayaa Ra’iisul Wasaaraha uga warbixiyey horumarka ballaaran ee Soomaaliya ay ku tallaabsatay.

 

Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya ay si xooggan u cagta saartay waddada horumar waara, isaga oo tilmaamay guulaha la taaban karo ee dowladdu gaartay, sida dib-u-dhiska dowladnimada iyo hay’adaha qaranka, cafinta deymaha, kor u qaadista xiriirka caalamiga ah, qaadista cunaqabateyntii hubka ee dalka saarneyd, iyo horumarinta amniga, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale soo bandhigay “Hannaanka Qaran ee Isbeddelka 2025–2030,” oo ah qorshe qaran oo diiradda saaraya lix tiir oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah: dib-u-dhiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta dhaqaalaha iyo shaqo abuurka, horumarinta adeegyada bulshada sida waxbarashada iyo caafimaadka, amniga cuntada iyo horumarinta beeraha, ilaalinta deegaanka iyo tamarta nadiifta ah, iyo daahfurnaanta maamulka iyo hufnaanta dowladeed.

“Soomaaliya maanta waa dal kasoo baxay colaado iyo burbur, kuna socdo dhabbihii horumar iyo barwaaqo waarta, iyadoo aan cidna laga reebaynin dadaallada qaran ee lagu dhisayo mustaqbal mideysan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale uga mahadceliyay Dowladda Masar doorka joogtada ah ee ay ku taageerto Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada nabadda, dib-u-dhiska iyo iskaashiga, isaga oo xusay in xiriirka walaaltinimo ee ka dhexeeya labada dal uu yahay mid taariikhi ah oo sii xoogeysanaya.

Shirka ayaa qayb ka ah dadaallada Afrikaanka ee lagu xoojinayo nabadda, horumarka, iyo iskaashiga dalalka qaaradda.

May be an image of dais and crowdMay be an image of speaker and textMay be an image of ‎dais and ‎text that says "‎PEACE. PROGRESS PROSPERIT Α FO INABLE PEACE NABLEPEACEAND AND الـ التنميه 9 سلام‎"‎‎May be an image of one or more people, dais and text that says "ASWIN ORUM"

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here