MUQDISHO — Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta kormeer ku tagay goobo ay ka socotay codbixinta doorashada goleyaasha deegaanka ee Gobolka Banaadir, iyadoo kumannaan ka mid ah bulshada ku nool caasimadda ay si ballaaran ugu dareereen xarumaha codbixinta tan iyo saaka.
Ra’iisul Wasaaraha, oo booqday goobo ku yaalla degmooyinka Shangaani, Boondheere iyo Xamar-Jajab, ayaa indha-indheyn ku sameeyay habsami-u-socodka doorashada, heerka amniga goobaha iyo adeegyada loo fidinayay muwaadiniinta.
Isagoo la hadlayay mas’uuliyiinta doorashada iyo hay’adaha ammaanka, Ra’iisul Wasaaraha ayaa carrabka ku adkeeyay in ilaalinta nabadda, daahfurnaanta hanaanka doorashooyinka iyo ixtiraamka rabitaanka muwaadiniinta ay yihiin tiirarka lagu xaqiijinayo dimuqraadiyad dhab ah.
Waxa uu sheegay in masuuliyad wadareed ay ka saaran tahay hay’adaha dowliga ah iyo bulshada inteeda kale sugidda guusha doorashada.
Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa tilmaamay in maanta ay hirgashay rejadii ay muddo dheer sugayeen shacabka Soomaaliyeed, isagoo doorashada ku tilmaamay bog cusub oo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dowlad-wanaagga iyo xoojinta dimuqraadiyadda.
Ra’iisul Wasaaruhu waxa uu xusay in doorashooyinka tooska ah ay dib ugu soo celinayaan muwaadiniinta xuquuqdoodii dastuuriga ahayd ee doorashada, isla markaana ay saldhig u yihiin mustaqbal dimuqraadi ah oo ka hanaqaada guud ahaan dalka.



