MUQDISHO – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Ururka Jaamacadda Carabta u fadhiya Soomaaliya, Mudane Cabdalla Cuteybi.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray iskaashiga ka dhexeeya dowladaha xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta, gaar ahaan dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo amniga.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay Ururka Jaamacadda Carabta taageerada joogtada ah iyo wada shaqeynta wanaagsan ee ay la leeyihiin dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyey in iskaashigaas la sii xoojiyo.
Danjiraha Jaamacadda Carabta, Cabdalla Cuteybi, ayaa sheegay in Ururku uu sii wadi doono taageerada Soomaaliya, isla markaana dhawaan uu dalka soo gaari doono wafdi ka socda Jaamacadda Carabta oo hirgelin doona mashaariic horumarineed oo muhiim ah.
Labada dhinac ayaa isku raacay in iskaashiga iyo wada shaqeynta u dhexeeya Soomaaliya iyo Ururka Jaamacadda Carabta ay sii xoojiyaan si loo gaaro horumar waara.




