Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka

0

Laascaanood – Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa kulan miro-dhal ah la yeeshay odayaasha dhaqanka ee ku sugan magaalada Laascaanood, kuwaas oo ka mid ahaa wufuud kala duwan oo booqasho ku yimid caasimadda Dowlad-goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, si ay uga qeyb galaan munaasabadda caleemo-saarka hoggaanka cusub ee maamulkaasi.

 

Odayaasha uu la kulmay Ra’iisul Wasaaruhu ayaa ka kala socday deegaanada Puntland, Jubbaland, Dowlad Deegaanka iyo Waqooyi Bari Soomaaliya.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey bahda dhaqanka kaalinta muhiimka ah ee ay ka qaateen nabadeynta beelaha Soomaaliyeed, gaar ahaan xallinta colaadaha ka jiray deegaanno kala duwan, isaga oo xusay doorka sharafta leh ee ay ku leeyihiin adkeynta wada-noolaanshaha, midnimada iyo nabadda guud ee ummadda Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa adkeeyey in odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka Soomaaliyeed ay ka saaran tahay mas’uuliyad diini ah iyo mid dastuuri ah oo la xiriirta ilaalinta nabadda, midnimada qaranka iyo xal u helidda khilaafaadka ka dhasha colaadaha ku saleysan qabaa’ilka. Waxa uu sidoo kale bogaadiyey dadaallada ay muddadii u dambeysay ku bixiyeen dhexdhexaadinta, isu-soo-dhowaanshaha bulshada iyo xoojinta wada-noolaanshaha.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kula dardaarmay bahda dhaqanka in ay sii xoojiyaan doorkooda hoggaamineed, iyaga oo gacan ka geysanaya dhismaha, tayeynta iyo hirgelinta maamulka curdinka ah ee Waqooyi Bari Soomaaliya, si loo helo dowladnimo ku dhisan nabad, caddaalad iyo wadajir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here