Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya oo la kulmay madaxa hay’adda KOICA + Sawirro

0

SEOUL (SMN) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa la kulmay Madaxweynaha Hey’adda Horumarinta Caalamiga ah ee Kuuriya (KOICA) CHANG, Won Sam oo ay ka wada hadleen arrimo muhiim u ah horumarka ay Sommaaliya ku taamayso.

 

Intii uu socday kulanka, Ra’iisul Wasaare Xamsa ayaa ka warramay muhiimadda uu dalkeennu u leeyahay is-beddelka dhaqan-dhaqaale iyo horumarinta xirfadda dhalinyarada, isagoo tilmaamay inay xusid mudan tahay in in ka badan 70% dadka Soomaaliyeed ay da’doodu ka yar tahay 30 sano jir, taasoo muujineysa baahida loo qabo in si mug le loo maalgeliyo barnaamijyada Farsamada Gacanta (TVET).

Dhinaciisa Madaxweynaha Hey’adda KOICA waxa uu muujiyay sida ay uga go’an tahay inay taageeraan hindisayaasha uu Raiisul Wasaaraha kala hadlay gaar ahaan Barnaamijyada Casriyeynta Farsamada Gacanta ee Soomaaliya.

DHAMMAAD

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here