Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo wafdi Turkiga ah ku qaabilay Muqdisho

0

Muqdisho, Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ka socda dowladda Turkiga oo uu hoggaaminayo Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Amb. Ali Onaner, iyo Safiirka Turkiga u qaabilsan Soomaaliya, Mudane Amb. Alper Aktaş.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo Turkiga, gaar ahaan iskaashiga dhinacyada amniga iyo la-dagaallanka argagixisada, si loo xaqiijiyo xasilloonida dalka iyo guud ahaan gobolka.

Ra’iisul Wasaaraha Xamsa ayaa uga mahadceliyay dowladda iyo shacabka Turkiga taageerada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Soomaaliya, isaga oo xusay in Turkigu yahay saaxiib istiraatiiji ah oo door muuqda ka qaatay ilaalinta midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

Dhankiisa, Amb. Ali Onaner ayaa adkeeyay in dowladda iyo shacabka Turkiga ay mar walba garab taaganyihiin Soomaaliya, ayna sii xoojinayaan xiriirka wada-shaqayneed ee labada dowladood.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here