Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo Magacaabis cusub sameeyay

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa magacaabay laba masuul oo cusub oo ka mid ah saraakiisha maamulka iyo amniga.

 

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Mudane Cabdinaasir Maxamuud Gurey u magacaabay Maareeyaha Guud ee Arrimaha Maamulka iyo Amniga Garoonka Aadan Cadde ee Muqdisho.

Sidoo kale, Mudane Cabdalla Xasan Cali ayaa loo magacaabay Agaasime Ku-xigeenka Guud ee Xarunta Qaran ee Tubsan, oo ka hoos shaqeysa Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Magacaabista labada masuul ayaa ku timid iyadoo la tixgelinayo aqoonta iyo waayo-aragnimada ay u leeyihiin shaqooyinka loo idman yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here