Ra’iisul Wasaare Xamze oo qaabilay wafdi Heer Caalami ah

0

Muqdisho – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi , ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Agaasimaha Hay’adda Maaliyadda Caalamiga ah (IFC) ee Bariga Afrika, Marwo Mary Porter Peschka, oo booqasho rasmi ah ku timid magaalada Muqdisho.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Hay’adda IFC, gaar ahaan hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka (NTP 2025–2029), kaas oo ah hiigsi qaran oo lagu horumarinayo kaabeyaasha dhaqaalaha, kobcinta ganacsiga gaarka loo leeyahay, ballaarinta ka-qaybgalka mashruucyada dheef-wadaagga ah, iyo dhiirrigelinta hal-abuurka iyo ganacsiyada cusub.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyey Hay’adda IFC doorka muhiimka ah ee ay ka qaadanayso taageerada maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha dalka, isaga oo xusay in Soomaaliya ay sameysay horumar la taaban karo oo dhanka kobaca dakhliga iyo dib-u-habeynta dhaqaalaha ah.

Dhankeeda, Marwo Mary Porter Peschka ayaa uga mahadcelisay Ra’iisul Wasaaraha qaabilaadda diirran, iyada oo carrabka ku adkaysay in Hay’adda IFC ay sii xoojin doonto wada-shaqaynta kala dhexeysa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si loo taageero horumarka waara iyo maalgelinta gaarka loo leeyahay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here