ADDIS ABABA – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed, ayaa ku adkeystay in dalkiisa uusan marnaba noqon karin dal aan marin-badeed lahayn, isagoo sheegay in dhaqaalaha dalka uu si toos ah ugu xiran yahay helitaanka marin-badeed.
Abiy Axmed ayaa intaa ku daray in maqnaanshaha marin-badeedka uu culays weyn ku hayo dhaqaalaha Itoobiya, isla markaana ay tahay arrin u baahan in si degdeg ah loo xalliyo. Wuxuu sheegay in Itoobiya ay si sharci iyo nabad ah uga shaqaynayso sidii ay u heli lahayd marin-badeed ay ku horumariso dhaqaalaha iyo xiriirka caalamiga ah.
“Dalkeenu ma noqon karo bad la’aan, dhaqaalahayagu wuxuu ku tiirsan yahay marin-badeed, waana muhiim in deriskeena ay fahmaan xaqa iyo muhiimadda arrintan,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha.
Sidoo kale, Abiy Axmed ayaa xusay in nabadda iyo horumarka Itoobiya ay kaalin muhiim ah ka qaadan doonaan horumarka guud ee gobolka, isaga oo ku baaqay in dhammaan dhinacyada ay si daacad ah uga wada shaqeeyaan xal waara oo arrinta marin-badeedka ah.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu sidoo kale muujiyay kalsoonida uu ku qabo in arrinta marin-badeedka ay ku soo dhammaan doonto heshiis caalami ah oo waafaqsan shuruucda ganacsiga iyo siyaasadda.




