Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo guddoomiyay shir muhiim ah + Sawirro

0

MUQDISHO (SMN) – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa guddoomiyay shirka isku dubarridka barnaamijka xasilinta.

 

Shirkan oo loo ga arrinsanayo horumarradii la ga sameeyey barnaamijka xasilinta ee dawladdu hoggaamiso, kaas oo la gu gaarsiiyo adeegyada bulshada, maamul-dhiska, iyo amniga iyo caddaaladda deegaannadii dhowaan la ga xoreeyey argaggixisada.

Shirkan ayaa sida oo kale la gu falanqeynayaa u tabaabushaysiga wejiga labaad ee hawlgallada dib-u-xoreynta ee ka socda qaybo ka mid ah dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here