Muqdisho – Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji, ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabad lagu soo dhoweynayay 25 carruur Soomaaliyeed, kuwaas oo dhawaan dalka Talyaaniga loogu sameeyay adeegyo caafimaad oo gaar ah, gaar ahaan qalliimo dhanka wadnaha ah.
Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa uga mahadceliyay Hormuud Salaam Foundation iyo Safaaradda Dowladda Talyaaniga ee Soomaaliya, kuwaas oo si wadajir ah uga shaqeeyay in carruurtan loo helo adeeg caafimaad oo dhammaystiran, kaddib markii aan dalka gudihiisa waxba looga qaban karin xaaladdooda caafimaad.
Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji ayaa sidoo kale si weyn u ammaanay dhakhaatiirta qalliimada sameeyay, isagoo ku tilmaamay dadaalkooda mid naf-hurnimo leh oo badbaadiyay nolosha carruur Soomaaliyeed. Wuxuu xusay in ay muuqato horumar wanaagsan oo ku yimid xaaladda caafimaad ee carruurta, isla markaana rajeynayo in ay si buuxda uga bogsadaan.
Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa adkeeyay sida ay Xukuumadda Federaalka Soomaaliya uga go’an tahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo adeegyada caafimaadka, iyo dhiirrigelinta iskaashiga caalamiga ah ee wax ku oolka ah.






